Home Wararka Maanta Dacwad oogaha guud ee kenya oo Dacwad layaab leh lagu Soo oogay...

Dacwad oogaha guud ee kenya oo Dacwad layaab leh lagu Soo oogay oo la xariirta Soomaali jacayl

0

Dacwad oogaha guud ee dalka Kenya, Nuuradiin Maxamed Yuusuf Xaaji, ayaa lagu eedeeyay in uu u eexdo Soomaalida iyo muslimiinta dalka Kenya uuna qadarin dadka kale aan aheyn Soomaali ama Muslimiin.

Memba Ocharo , oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha shaqaalaha ayaa ku dacweeyay Nuurdiin Xaaji in dad loo soo dhajiyay in imtixaan u galaan shaqo xafiiskiisa laga xayeesiiyay u badan yihiin Muslimiin iyo Soomaali.

Ninkan dacwada gudbiyay ayaa ku eedeeyay Dacwad oogaha guud ee dalka Kenya nin jeclaysi , waxaana uun maxkamadda ka codsaday in ay ka joojiso sii wadida qorista shaqaalaha cusub ee imtixaanka u socda.

Dacwad oogaha guud ee dalka Kenya, Nuuradiin Maxamed Yuusuf Xaaji, ayaa beeniyay iskana fogeeyay eedeynta loo soo jeediyay ee ah in uu si gaar ah ugu eexdo Soomaalida iyo sidoo kale dadka kale ee Muslimiinta ah.

Nuurdiin ayaa sheegay in uu la socdo eedaha loo soo jeediyay ee ah in uu shaqaaleysiiyay dad ay isku diin yihiin, waxa uu ku adkeystay in dastuurku leeyahay qodobbo wax ku ool ah oo shardi u ah in aan si siman u wada eegno dhammaan qabaa’ilada dalka.

Dacwad oogaha guud ee dalka Kenya, ayaa kamid ah dadka ugu saameynta badan ee dalka Kenya, waxaana ninkan lagu tilmaamaa nin aad u ixtiraama dadka Soomaaliyeed uu kasoo jeedo iyo sidoo kale dadka Muslimiinta ah.

Ad
Previous articleGalmudug iyo Puntland oo Heshiis ku dhexmaray Magaalada Gaalkacyo
Next articleGuddiga Doorashooyinka Oo War Cusub kasoo Saaray Dhaarinta Xildhibaanada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here