Home Wararka Maanta Dabaal dagyada xuska 26 juun oo Muqdisho si weyn uga socda iyo...

Dabaal dagyada xuska 26 juun oo Muqdisho si weyn uga socda iyo Madaxda Oo Hambalyo diray

0

Xuska 61 guurada ka soo wareegtay markii Gobolada Waqooyi ay xornimada ka qaateen Gumeystihii Ingiriiska ayaa caawa ka socoto Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobollada dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda kale ee ka tirsan dowladda Soomaaliya, diblomaasiyiin iyo marti sharaf ayaa ka qeyb galay xuska 26 ka June oo ka socoto xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Ciidamada Ammaanka ayaa caawa adkeeyay Nabadgelyada caasimadda, si loo weyneeyo Xuska 26ka June oo ah Maalin qiimo gaar ah ugu fadhiso guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Dhamaan Madaxda iyo siyaasiinta Soomaaliyeed ayaa Hambalyo ku saabsan 26 Juun u diray Shacab weynaha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Goballada waqooyi.

Madaxweynayaashii Hore ee Qaranka iyo qaar ka mid ah Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa ka mid ah Masiiliyiinta Hambalyada diray Caawa

Ad
Previous articleMadaxweynaha Galmudug oo Kormeeray Xerada Ciidamada Qeynta 21-aad (Sawiro)
Next articleMadaxweyne Axmed Madoobe oo soo gaaray Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here