Home Wararka Maanta Cumur Finish oo Maantay Dhagax Dhigay Mashruuc Reer Muqdisho Mahdiyeen(Sawiro)

Cumur Finish oo Maantay Dhagax Dhigay Mashruuc Reer Muqdisho Mahdiyeen(Sawiro)

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay fulinta mashruuca Biya-Mareenka ee isku xiri doona wadada Ceel Qaloow ilaa Bada iyo sidoo kale dib u hagaajinta Warta Ceel Qaloow.

Mashruucan uu maanta dhagax dhigay Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish ayaa ah mid ay baahi weyn ay u qabeen bulshada Degan Degmada Wadajir oo horey isticmaalka Waddada Buula Xubeey dhibaato ugu qabay.

Wadada isku xirta xaafada Ceelqalow iyo Buulo Xuubey ayaa dhibaato badan waxaa ku haya biyaja roobka oo fadhiista, waxaana xilliyada roobka da’aan jidkaasi fadhiista biyo badan oo jara marista wadadaasi.

Munaasabada Dhagax dhiga ah waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee maamulka gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir mudane Cabdiqaadir Maxamed Maxamud (Caana-Boore) Bulshada Degaanka iyo maamulka degmada Wadajir.

Ad
Previous articleWafdi Hordhac u ah safarka Madaxweynaha oo gaaray Garoowe
Next articleAKHRISO:qodobadii looga hadlay shirka golaha wasiirada ee maanta oo la shaaciyay (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here