Masuuliyiin ay ka mid yihiin Ra’iisul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Cadiweli Gaas ayaa shalay gaaray magaalada Garowe oo xiisad ka dhalatay khilaafka doorashada ay ka taagan tahay.
Siyaasiyiintaan ayaa doonaya inay xal u raadiyaan khilaafkaas, sida uu warbaahinta la wadaagay Cumar Cabdirashiid, “Mar kasta oo doorasho soo dhawaato khilaafkaan waa yimaadaa, hadana arrinta taagan waxaan ku raja weynahay in jid loo bixiyo,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.
Wafdigaan lagu soo dhaweeyey Garowe ayaa cadeeyey inay xal u raadinayaan xiisadda, isla markaana ay wadahadal u furayaan dhinacyada isku haya doorashada Puntland.
Wuxuu sheegay in Puntland ay tusaale muhiim ah u tahay Soomaalida oo dhan, sida doorashooyinka qof iyo cod ee ka qabsoomay degmooyin dhowr ah.
Khilaaf adag oo salka ku haya arrimaha doorashooyinka ayaa muddooyinkaan ka taagan Puntland, kaas oo sababay gacan ka hadal ay dadb badani ku dhinteen.
Siyaasiyiinta timid Garowe ayaa laga raja weyn yahay inayt xal u keenaan khilaafka xukuumadda iyo mucaaradka Puntland ee salka ku haya doorashada baarlamaanka iyo madaxtimida maamulkaas.