Home Wararka Maanta Yaa amar ku bixiyay in qabuuraha Macallin Nuur laga saaro meydadka?

Yaa amar ku bixiyay in qabuuraha Macallin Nuur laga saaro meydadka?

0

Shalay ilaa maanta baraha bulshada ay Soomaalida ku wada xiriirto waxaa qabsaday muuqaallo iyo sawirro muujinayay xabaalo dib loo qodayo hadal hayn xoogganna abuurtay.

Dadka ayaa sheegay in la soo wacay oo lagu amray inay eheladooda ka saaraan qabuuraha Sheekh Macallin Nuur.

Yaa dadka ku amraya inay qabuuraha ay meeydadka ehelladooda la baxaaan?

Alle ha u naxariistee Sheekh Macallin Nur Maxamed Siyaad ayaa waqfay dhulkan uu ugu tala galay in maydka lagu aaso.

Hase yeeshee waxaa soo ifbaxay warar sheegaya in ehelada meydadkii qabuurahaas ku aasnaa lagu amro inay la baxaan oo ay meel kale ku aastaan. Si arrintaan aanu wax badan uga ogaano ayaa waxay BBC la xiriirtay Cabdiqaadir Sheekh Macallin Niur oo inoo sheegay in qoyskiisa aysan wax shaqo ku leheen arrintan.

“Qabuurahan waxaa 1980-kii waqaf ka dhigay aabo Sheekh Macallin Nur Maxamed intii ay jirtay dowladdii hore, wixii markaas ka dambeeyayna waxa dhib ah kama jirin illaa hadda muddo laga joogo 7 ilaa 8 bilood oo ay soo baxeen dad sheeganaya dhulkan oo dadka ku amraya inay dadkooda kala baxaan qabuurahaan kadib waan la dagaallanay, odayaal baan u dirnay, dowladdan gaarsiinay wax sharici ahna uma haystaan marka meeshiina waa laga celin waayay.”

“Muddo hadda lix bilood laga joogo waxaa meesha ka dhacday arrin xun oo meesha la isugu tagay. Wareysiyo aan bixinnay dolwaddana aan ka codsanay inay soo faragashato marka waagaas way hakadeen laakiin hadda ayay haddana dib u soo bilaabeen oo marna habeenkii ayay qabuuraha fagayaan marka dadka ayay inta ay soo wacaan ay ku dhahayaan qof walbow qabrigaaga la bax meesha waan dhisaneynaa.”

“Dadkan waa dad dhuumanaya oo diiday inay sharciga tagaan. Waan la kulannay inaan dowladda isula tagnana waa ay naga diideen waxaana ku jira oday ka mid ah dadkii bixiyay ka mid ah waxa uuna leeyahay dhulka waan bixiyay aabo Macalin Nuur ayaana siiyay balse wuu diiday inaan darbi ku wareejino mana sheegayo waxa uu rabo sababtoo ah waxaanu weydiiyay ma bixintii baad ka laabatay.”

Ad
Previous articleCumar Cabdirashiid iyo Cadiweli Gaas oo Qorshe lid ku ah Deni Ka Bilaabay Garowe Xili Xiisad Wali Ka Taagantahay Garowe
Next articleBurcad Dhac ka Gaysanaysay Magaalada Muqdisho iyo Gaadiidkii ay Wateen oo Gacanta Lagu soo Dhigay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here