Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo isugu yeeray Midowgii Musharaxiinta Xili ay ka horyomaadeen...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isugu yeeray Midowgii Musharaxiinta Xili ay ka horyomaadeen Heshiiskiii…

0

Sida ay xog ku heshay Mudug24 maalmaha soo socda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bilaabaya Muqdisho ka bilaabaya kulamo siyaasadeed oo xasaasi ah.

Xogta aan helnay waxay sheegeysaan in Madaxweynuhu uu casuumay xubno ka mid ah saamileyda siyaasadda, gaar ahaan xubnihii ka ay Midowga Musharaxiinta isku baheysteen, markii uu talada joogay Farmaajo.

Siyaasiyiin uu ku jiro Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa todobaadkaan Muqdisho imaanaya, kuwaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu casuumay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Madaxweynaha ayaa siyaasiyiintaan kala xaajoo doona tabashada ay ka qabaan hoggaaminta dalka iyo nidaamka ay uu doonayo in la qaato ee dhawaan ku soo baxay heshiiskii golaha wadatashiga qaran.

Kulamada uu toddobaadka soo socda bilaabayo Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa ka horeeyey kulan uu dhawaan la yeeshay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Sida aan xogta ku helnay Sheekh Shariif ayaa Madaxweynaha ka codsaday inuu isugu yeero siyaasiyiinta kale ee saamileyda siyaasadda, si ay u soo bandhigaan dooda ay ka qabaan heshiis siyaasadeed ee 27-kii May ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Siyaasiyiinta uu hadda casuumay Xasan Sheekh ee la filayo inuu la fariisto ayaa war ay ku mideysan yihiin ka soo saaray markii uu soo baxay heshiiskii golaha wadatashiga oo dhigayey in wax laga bedeli doono nidaamka ay u dhisan tahay dowladnimada Soomaaliya iyo muddo xileedka hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda.

Markii laga reebo Farmaajo, saamileyda siyaasadda, gaar ahaan xubnihii isbaheysa uu la ahaa Xasan Sheekh ayaa si adag uga hor yimid in dalku uu u guuro nidaamka Madaxtooyada, in dalka uu mustaqbalka yeesho labo xisbi iyo in muddo xileedka madaxweynaha iyo baarlamaanka laga dhigo shan sano.

Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa markii uu soo baxay heshiiskaas wuxuu soo saaray qoraal uu ku muujiyey inuu taageersan nidaamka Madaxtooyada iyo doorasho qof iyo cod oo lagu galo nidaamka xisbiyada, balse wuxuu soo jeesiyey wadar-ogol ay u baahanyihiin qodobada qaar ee heshiiskii golaha wadatashiga qaran ku jiray.
Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Hoobiyaal lagu Gaaracay Xaafada Ka Mid ah Magaalada Muqdiso iyo Faahfaahin kasoo Baxasa
Next articleCumar Cabdirashiid iyo Cadiweli Gaas oo Qorshe lid ku ah Deni Ka Bilaabay Garowe Xili Xiisad Wali Ka Taagantahay Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here