Home Wararka Somaliya Cumar Cabdirashiid ” Go’aanadii kasoo baxay Golaha wadatashiga wuxuu abuuri karaa xiisad...

Cumar Cabdirashiid ” Go’aanadii kasoo baxay Golaha wadatashiga wuxuu abuuri karaa xiisad Cusub”

0

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya kana mid ahaa Xildhibaannadii Aqalka Sare ee muddo xileedkoodu dhamaaday Cumar Cabdirashiid  Cali Sharmaake ayaa ka hadlay shirkii Golaha wadatashiga ee lagu soo geba-gabeeyay Magalada Muqdisho & Go’aanadii kasoo baxay.

Cumar Cabdirashiid ayaa qoraal uu soo dhigay Barta uu ku leey ahay twitter-ka ayaa waxaa uu sicad u sheegay in Warmurtiyeedkii kasoo baxay shirka ay awooda doorashada isku koobeen hoggaamiyeyaasha dowlad Goboleedyada.

Waxaa uu sheegay in meesha laga saaray hufnantii geedi-socodka doorashada, isla markaana Go’aanka kasoo baxay Shirka Golaha wadaashiga uu abuuri karo xiisado cusub.

“ Hoggaamiyayaasha goboladu waxay ku guuleysteen inay xoojiyaan awoodda ay ku leeyihiin doorashooyinka aqalka hoose. War-murtiyeedka ayaa wax u dhimey hufnaantii geedi-socodka oo haddii aysan helin taageerada dadka Soomaaliyeed, waxaa laga yaabaa inay kiciso xiisado cusub oo laga yaabo inay rabshado dhacaan. Dib -u -eegis degdeg ah ayaa loo baahan yahay ayuu yiri” Cumar Cabdirashiid.

Warkan kasoo baxay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli warmurtiyeedkii kasoo baxay Golaha wadatashiga Qaran uu qeexayay in awooda doorashada gacanta loo geliyay dowlad Goboleedyada.

Ad
Previous articleMaxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xukun ku riday Shaqsi Lagu Eedeeyay inuu daacish yahay
Next articleMidowga Musharaxiinta oo Qaadacay Habraacii Shalay ay soo saareen Musharaxiinta Madaxweynaha (Akhriso)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here