Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamo uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha Degmada Ceelbuur oo Maantay Gaaray Baladweyne(Sawiro)

Ciidamo uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha Degmada Ceelbuur oo Maantay Gaaray Baladweyne(Sawiro)

0

Ciidamadii ugu badnaa ee Beelweynta Murusade ayaa maanta mar kale ka baxay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kuwaas oo ka dagi doono magaalada Guriceel.

Ciidamadan oo wata Hub culus iyo gawaari dagaal ayaa ku wajahan Magaalada Ceelbuur, iyagoona saldhigan doono deegaanka Warxoolo, si ay uga sii gudbaan deegaannada kale ay beeshu dagto ee ku jira gacanta kooxda AS.

Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Xasan Macalin ayaa sagootiyay ciidankan oo ay safarka ku wehlinayaan xildhibaanno beesha Murusade ku matala dowladda Federaalka, kuwaas oo dhiirrigelin iyo garab istaag ula heellan ciidanka.

Shalay ayey aheyd markii ay Beesha Murusade ciidan iyo hub ka dajisay magaalada Beledweyne, kuwaas oo ujeedkoodu yahay in ay u ruqaansadaan deegaannada Wabxo, Dac, Ceelbuur iyo Galhareeri.

Cali Aadan Muumin

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Madaxtooyada Kusoo Dhaweeyey Wafdi hogaaminaayo Rooble(Sawiro)
Next articleRayswasaare Xamse oo Casha Sharaf usameeyey Ciyaartoydii Gussha soo Hoysay( Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here