Home Wararka Maanta Ciidamo katirsan milatariga dalka Niger oo afgambiyay dowladdii dalkaasi ka jirtay

Ciidamo katirsan milatariga dalka Niger oo afgambiyay dowladdii dalkaasi ka jirtay

0

Ciidamo katirsan milatariga dalka Niger ayaa afgambiyay dowladdii dalkaasi ka jirtay, waxa ayna ciidamadan laaleen dastuurka dalka, iyagoona kala diray masuuliyiintii dowladda u shaqeeneysay.

War kasoo baxay milatariga afgembiga sameeyay ayaa lagu sheegay in ay xireen xuduudaha dalka Niger ayna socdaan howlgalo nadiifin ah, waxa ayna dadka ugu baaqeen in ay is dejiyaan.

Ciidamada afgembiga sameeyay ayaa shalay xiray madaxweynaha dalkaas Niger, Mohamed Bazoum, waxa ayna kooxdan talefishinka qaranka dalkaasi kaga dhawaaqeen in ay sameeyeen afgembi dalka ku bad baadinayaan.

Qaar kamid ah waddamada reer Galbeedka iyo qaarada Afrika ayaa si kulul u dhaleeceeyay afgembiga ay sameeyeen ciidamada milatariga, waxa ayna ku tilmaameen afgembigaasi wax aan xilligan la aqbali karin.

Dalka Niger waxaa horey uga soo dhacay afgembiyo iyo isku dayo badan , waxaana dalkan uu daris la yahay dalalka Mali iyo Burkina Faso oo iyana marar badan ka dhaceen afgembi talada lagula kala wareegay.

Ad
Previous articleAlshabaab oo dhaqdhaqaaqyo xoogan ka Bilaabay Galmudug Kadib Markii ay ka war heleen…
Next article Wararkii ugu danbeeyey fal afduub ah oo saraakiil ciidan iyo xubno kale loogu geystay Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here