Home Wararka Somaliya Galmudug Alshabaab oo dhaqdhaqaaqyo xoogan ka Bilaabay Galmudug Kadib Markii ay ka war...

Alshabaab oo dhaqdhaqaaqyo xoogan ka Bilaabay Galmudug Kadib Markii ay ka war heleen…

0

Wararka naga soo gaaraaya Kooxda Alshabaab ayaa Dhaqdhaqaaq Xoogan ka Bilaabay Maantay  Deegaanada Galmudug gaar ahaan Galgaduud Alshabaab sida Magaalooyinka Ceelbuur, Ceel garas,  iyo Galhareeri.

Alshabaab ayaana Ciidamadii ugu Badnaa Halkaas isugu Geeyey Sidoo kale Alshabaab ayaa isugu yeeray Dadka ku dhaqan Deeganadaaan iyo Ku wargaliyay inay Kasoo qaybgalaan Difaaca Deganadoooda Dadka deegaanka oo ku qasban ayaana aqbalay Codsiga uga Yimid Alshabaab iyogaa Hubka Qaatay.

Sidoo kale intabadan horjoogayaasha alshaaab ayaa la sheegayaa inay isaga baxeen intabadan Galmudug kuwaas oo ciidamada Alshabaab kula Dardaarmay Difaac Diintooda.

Arintaan ayaa kusoo aadaysa Xili Ciidamadii ugu badnaa Lageeyey Magaalada Dhuusamareeb Halkaas oo lagu diyaariyay Ciidamadii ugu badnaa ee ka tirsan Galmudug iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya kuwaas oo kuwajahan degaanada ay Haatan Alshabaab kaga Suganyihiin Gobalka Galgaduud.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa La Filayaa inuu Gaaro Magaalada Dhuusamareeb si uu uga hago Dagaalka alshabaab looga saraaya Galmudug Shalay ayaa Gadiidku aan xabadu karin Laga dajiyay Magaalada Dhuusamareeb iyo sidoo kale hub aad ufarabadan oo loogu talagalay in Lagu weeraro Alshabaab.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay heshiiska Soomaaliya iyo Ruushka
Next articleCiidamo katirsan milatariga dalka Niger oo afgambiyay dowladdii dalkaasi ka jirtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here