Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Ciidamo Ka Goostay Hirshabeele oo ku Biiray Hiiraan State

Ciidamo Ka Goostay Hirshabeele oo ku Biiray Hiiraan State

0

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan balse la sheegay in dhawaan loo doortay Madaxweynaha Hiiraan State ayaa ka faa’iideystay gadood ay shalay magaalada Beledweyne ka sameeyeen ciidan ka tirsan kuwa Booliska HirShabelle ee ka hawlgala magaaladaasi.

Ciidamadan oo ka cabanaya dhowr bilood oo aysan wax mushaar ahi qaadan ayaa xiray qaybo ka mida waddooyinka Magaalada Beledweyne, iyaga oo hakad geliyay isu socodkii gaadiidka ee magaaladaasi.

Xubno ka tirsan Maamulka Cali Jeyte ayaa ciidamadaasi ku qanciyay in ay gadoodka joojiyaan, isla-markaana ay ku soo biiraan Ciidanka Daraawiisha Hiiraan State, iyagoo ballanqaaday in Maamulka Hiiraan State uu xuquuqdooda siin doono, taas oo ay aqbaleen.

Cabdicasiis Axmed Caddow (Jaaburi) oo Cali Jeyte uu u magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ciidamada la hadlayay ayaa sheegay in maamulka Hiiraan State uu bil walba mushaar ahaan u siin doono lacag dhan laba boqol oo dollar ($200), halka ay markii hore qaadan jireen boqol dollar ($100).

“Waxaa ballan iyo axdi ah inaad xuquuqdiina heshaan, waxaa ballan ah inaydaan dayacmin, maanta wixii laga bilaabo waxaan rabnaa inaad la shaqeysaan bulshadiina iyo maamulkiina, wixii maanta ka dambeeyana xaqiina iyo xuquuqdiina diyaar annagaa la ah, anigoo ka wakiil ah Madaxweynaha Hiiraan State, Madaxweyne Kuxigeenka iyo bulshada Hiiraan,” ayuu yiri Cabdicasiis Jaaburi.

Jaaburi ayaa yiri “Meeshii aad boqol dollar ka qaadan jirteen, waxaa ballan ah Maamulka Hiiraan State inuu laba boqol oo dollar bishan gudaheed idinkaga dhigo ay 14-ka maalmood ka dhiman tahay, wada shaqayn wacan, waddadana hala furo.”

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Cali Jeyte ayaa lagu sheegay in ciidankan oo gaaraya 250 askari aanay muddo afar bilood wax mushaar ahi ka helin HirShabelle.

Ad
Previous articleCiidamadii Deni kula Dagaalamay Garowe oo War Soo Saaray
Next articleMadaxweyne Ku Xigeenka Jubaland oo Ku Wajahan Gobalka Gedo iyo Cidamo Is Horfadhiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here