Home Wararka ugu Muhiimsan Ciidamo Gadoodsan oo Qabsaday Qeybo kamid ah Gobolka Mudug iyo Kastamka Xarfo

Ciidamo Gadoodsan oo Qabsaday Qeybo kamid ah Gobolka Mudug iyo Kastamka Xarfo

0

Cutubyo katirsan ciidanka Puntland ayaa lagu soo waramayaa inay qabsadeen qaybo kamid ah goobaha dowliga ah iyo waddooyinka laga soo galo magaalada Xarfo ee gobolka Mudug, xilli ay ku wajahan yihiin mas’uuliyiin dowladda katirsan.

Ciidamadaan oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa waxa ay qabsadeen waddooyinka soo gala xerada Abqaale ee duleedka magaalada Xarfo, waxaana ay ka cabanayaan xuquuqdoodii mushaharka oo ay sheegeen inay ka maqan tahay muddo 6 bilood ah.

Ciidankaan ayaa waxaa la sheegay inay ka soo bexeen qaybo kamid ah fariisimadii ay ku lahaayeen gobolka Mudug, lamana oga tallaabada ay qaadi doonaan saraakiisha ciidanka iyo madaxda wasaradda maaliyadda ee xukuumadda Puntland.

Dhowaan ayaa lafilayaa in xeryaha Abqaale iyo Godad ee gobolka Mudug ay ciidamo katirsan kuwa Puntland tababar ugu soo xiraan guddiga dib u habaynta ciidanka Puntland ee uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda maaliyad

Ad
Previous articleCabdi Rashiid Janan oo ka hadlay Sababaha keenay Heshiiska Dowlada Somaliya
Next articleDhageyso Wasiirkii Amniga Jubbaland oo ka hadlay sababaha Keenay inuu Dowladda isku dhiibo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here