Home Wararka Somaliya Jubbaland Ciidamo Danab oo howlgal ka fuliyay Deegaanno Al Shabaab ku Sugnaayeen...

Ciidamo Danab oo howlgal ka fuliyay Deegaanno Al Shabaab ku Sugnaayeen (Sawirro)

0

Ciidamada xoogga dalka ee Danab oo kaashanaya kuwa Nabad sugidda iyo daraawiishta Jubbaland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgallo culus oo lagu baacsaday  dagaalamayaal katirsan Al Shabaab ka  fuliyey deegaano  ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa ciidamada inta ay wadeen waxa ay ku bur buriyeen xarumo iyo goobo difaacyo u ahaa kooxda Al Shabaab , waxa ay sidoo kale ciidamada soo saareen miinooyin Al Shabaab waddooyinka ku aaseen.

Ciidamada huwanta ah ayaa howlgalka ka fuliyay deegaanno ay kamid yihiin Qalawlaha, Falaqaay, Reebaay, Fantooley, Harboole, Qumbi, Miidow, Shuufa, Habeedley, Cag-libaax iyo deegaano kale dhamaantood ka tirsan Jubbada Hoose.

Saraakiisha ciidamada huwanta ah ee howlgalka sameeyay ayaa sheegay in ay joogteenayaan howlgalada ay ku baacsanayaan dagaalyahannada AL Shabaab ay ku eedeeyeen in shacabka dhibaato ku hayaan.

Ad
Previous articleMilkiilaha Facebook oo Soo Saaray app pamid ah Twiterka iyo milkiilaha Twiterka oo Ka Xanaaqay
Next articleSomaliland oo war cusub kasoo saartay walaaca ay mucaaradka ka muujiyeen qorshaha xukuumadda ee kala horeynta doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here