Ciidankii Ahlusunaa ee saaka ka baxay Degmada Guriceel ayaa gaaray deegaanka Bohol oo dhanka waqooyi galbeed 35km uga beegan Caasimadda Galmudug ee Dhusomarreeb, xog laga hella Ahlusunna ayaa xaqiijineysa in degaankaas ay u tageen in fariisin ka dhigtaan uuna bilaabanayo wadahadal dhexmaraya Galmudug iyo Ahlusunna.
Madaxda Galmudug dhankooda ma xaqiijin jiritaanka wada hadalo dhexmaray iyaga iyo Ahlusunna.
Ganacsade Xaashi Carabeey Ayey Dad Deegaanka Balicad ku sugan inoo Xaqiijiyeen in uu la socdo Ciidanka Ahlusuna asaga oo la sheegay inuu Garwaseen ka yahay Wada hadalo iyo u kala dab qaad laba dhinac.
Ad