Home Wararka Caalamka Ciidamada Ma naxayaasha ee la magac Baxay “Guutada Somalia” oo Ruushka u...

Ciidamada Ma naxayaasha ee la magac Baxay “Guutada Somalia” oo Ruushka u qabtay magaaladii la geli waayay.

0

Qaar ka mid ah warbaahinta caalamka ayaa mar kale soo cusboonaysiiyay hadal haynta ku saabsan ciidamada Ruushka taageersan ee loo yaqaanno “Guutada Somalia”, kaddib markii ay gacan ka gaysteen dagaalkii ka socday magaalada Mariupol.

Kaddib markii uu dhawaan Wasiirka Gaashaandhigga ee Ruushka, Sergei Shoigu, ku dhawaaqay in Ciidanka waddankiisa ay la wareegeen magaalada Mariupol oo in muddo ah la isku hor taagnaa, waxaa durbadiiba soo baxday in guutada loo garan og yahay “Somalia Battalion” ee dalka Ukraine, balse Ruushka la safan ay kaalin wayn ku lahaayeen howlgalka ka dhacay Mariupol.

Telefishinka Ruptly ee laga leeyahay Ruushka ayaa ka mid ahaa warbaahinta ugu horreysay ee soo tebiyay in Guutada Somalia iyo ciidanka Ruushka oo is garabsanaya ay la wareegeen magaaladaas uu dagaalka culus ka socday tan iyo markii ay militeriga Ruushka weerarka ku qaadeen Ukraine.

Warbaahinnada kale ee caalamka qaarood, sida telefishinka Republic World, oo fadhigiisu yahay Hindiya, ayaa hadal hayay wararka ku saabsan Guutada Somalia ee ka dagaallantay Mariupol iyo nawaaxigeeda.

Maalmo kaddibna, ciwaannada warbaahinta waxaa qabsaday warka ku saabsan in guutadaas ay ka faro xalatay furimihii dagaalka ee Mariupol goobihii ay xoogaggeeda qabsadeenna ay ku wareejiyeen Militeriga Ruushka, iyaguna ay dib ugu laabteen halkii ay duullaanka kasoo qaadeen oo ah gobolka Donetsk.

Waxaa la shaaciyay muuqaallo laga arkayo ciidamada “Somalia Battalion” iyo taangiyadooda oo si weyn loogu soo dhaweeyay Donetsk, iyagoo loo ruxayay ubaxyo iyo caleemo qoyan.

Ciidankan oo lagu naanayso “Ma naxayaasha” ayaa sidoo kale ka dagaallamaya furimaha hore ee gobolka Donbas oo ay isaga soo horjeedaan ciidamada dowladda Ukraine.

Dabayaaqadii bishii February, markii uu billowday dagaalka uu Ruushka ku qaaday Ukraine ayuu si aad ah usoo shaac baxay magaca kooxdan oo horay loo oran jiray “1st Separate Tank Battalion Somalia”.

Ma jiro qof Soomaali ah oo ku jira xoogaggan balse waxay go’aansadeen in ay qaataan magacaas.

Ad
Previous articleMadaxweyne Ku Xigeenka Jubaland oo Mudo Dheer kadib Soo Gaaray Muqdisho
Next articleAxmed Karaash oo Xilka ka Qaaday Wasiir kamid ah kuwa ugu Mihiimsan Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here