Home Wararka Maanta Axmed Karaash oo Xilka ka Qaaday Wasiir kamid ah kuwa ugu Mihiimsan...

Axmed Karaash oo Xilka ka Qaaday Wasiir kamid ah kuwa ugu Mihiimsan Puntland

0

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ayaa soo saaray Wareegto uu ku bedelay Wasiiradii ugu muhiimsanaa Puntland, sidoo kalena ahaa saaxiibada ugu dhow ee Madaxwrynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa lagu magacaabay Wasiirada Amniga, Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda, waxaana uu u dhignaa.

Xeer  Kusime Madaxweyne Magacaabid Xubno Golaha Xukuumada Puntland ah

Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Kusimaha Madaxweynaha Puntland

MARKUU ARKAY: – Dastuurka  Puntland Qodobkiisa 81-aad.

MARKUU ARKAY: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

MARKUU TIXGLIYEEY: Shaqada Baaxada weyn leh ee Shacabka Puntland Ka sugayaan Xukuumada.

WUXUU XEERIYEY:

MAGACAABID

1. Waxaa Cabdiqani Xaashi Cali Ciise (Bumbo) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Puntland

2. Waxaa Axmed Xaaji Ibraahim Cartan (Bakiin) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland

3. Waxaa C/risaaq Mire Xassan (Gaawiido) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada  Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu saxiixo kusimaha Madaxweynuhu wuuna saxiixay Axmed Cilmi Cismaan (A. Karaash) kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland.

Tallaabadaan uu qaaday Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa ah mid sii kala fogeeyneysa isaga iyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana Wasiirka Maaliyadda oo kamid ah Wasiirada xilka laga qaaday uu fulin waayay amar ahaa in uu xilalka u kala wareejiyo Agaasimihii Wasaaradda Maaliyadda ee uu Axmed Karaash xilka ka qaaday iyo mid cusub uu Magacaabay.

Ad
Previous articleCiidamada Ma naxayaasha ee la magac Baxay “Guutada Somalia” oo Ruushka u qabtay magaaladii la geli waayay.
Next articleRuushka oo Sameeyay Dhoolatus Hubka Nukliyeerka, Wararka ugu Danbeeyay Dagaalka Ukraine (5 May)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here