Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamada Haramcad iyo kuwa Dowladda oo u dhawaaqay Deegaano Hoostaga Gurceel (Sawiro)

Ciidamada Haramcad iyo kuwa Dowladda oo u dhawaaqay Deegaano Hoostaga Gurceel (Sawiro)

0

Ciidanka Haramcad &GorGor iyo kuwa Galmudug oo ka dhadhaaqay fariisimahoodii hore ayaa gaaray tuulada Ceel-Sadiiq oo guriceel ujirta qiyaastii 16-km, kuna beegan inta u dhexeysa ceeldheere iyo Guriceel.

 

Sidoo kale Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa GorGor ayaa fariisimo ka sameyatay deegaanada Bali-cad iyo Dumaaye, waxaa sidoo kale inta u dhexeysa oodaale iyo Guriceel dhaqaaq ka soo sameeyay Ciidamo uu wato gudoomiyaha guriceel Anas Cabdi Macalin oo isna mudooyinkan halkaa ka waday abaabul balaaran.

Degmada Guriceel oo ay joogto kooxda hubeysan ee Ahlusunna ayaa laga dareemayaa xiisad ka dhalatey howlgalkan, waxaana muuqata in dadkii magaaladan ku harey ay saakay bilaabeen in ay baneeyaan aqaladooda xili ay muuqato in kooxda Ahlusunna wado tabaabusho iyo difaacyo hor leh oo ay ka qoteen xaafado cusub oo Magaalada ka mid ah.

Ad
Previous articleMaxkamada Ciidamada oo xukun riday
Next articleMunaasabad Lagu Taageerayay Doorashada Soomaaliya oo Ka dhacday Galkacyo (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here