Ciidamada Dowlada oo isugu jira Milatari, Booliis iyo Nabad Sugid iyo Ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa Degmada Wisil ka sameeyey Saakay Howlgal Miina Baaris ah.
Amniga Deegaanka ayaa aad loo adkeeyey iyo Deegaanada ku xeeran waxaana Gacanta ku Haya Ciidamo kala duwan oo Halkaasi Gurmad ahaan u tagay.
Dhawaan ayaa Al-Shabaab Weerar ku soo Qaadeen Halkaasi waxaana ka dhashay Qasaare kala duwan oo soo gaaray Dadka Deegaanka iyo Dhinacyadii dagaalamay.
Saraakiisha Ciidamada Hogaaminaysa ayaa sheegay inay wali ku raad joogaan Al-Shabaabkii 27-kii Bishan Wisil soo Weeraray.
Ad