Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Ciidamada Dowlada iyo Macawislayda Hiiraan oo Kaabiga Ku Haaya Deegaanka Booco(Sawiro)

Ciidamada Dowlada iyo Macawislayda Hiiraan oo Kaabiga Ku Haaya Deegaanka Booco(Sawiro)

0

Ciidamada xoogga dalka ee qeybta 27-aad, Danab iyo Gor Gor oo garab ka helaya ciidanka is abaabulay ee dib u xoreynta deegaanka ayaa maanta howlgallo culus oo kooxda Alshabaab  ay ku baacsanayaan ka wada deegaano badan oo dhaca koonfurta gobolka Hiiraan, waxayna hadda kaabiga ku hayaan deegaanka Booco oo qiyaastii 50 KM koonfur ka xiga magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ka mid ah masuuliyiinta hoggamineysa howlgalkaas. Ciidamadaan iskaashanaya ayaa horay Alshabaab  uga xoreeyey deegaanno badan oo ay ka mid yihiin Beerxaanno, Tareedishe, Nuur-fanax, Ceela-hele Burdaar iyo deegaano kale oo muhiim ah.

Howlgallada ay ciidanku ka wadaan gobolka Hiiraan ayaa ku socda saf-balaaran, waxayna ciidamadu ka soo kala baxeen magaalooyinka ugu waaweyn gobolkaas, sida Beledweyne, Buuloburde, Halgan iyo fariisimo kale oo istaraatiiji ah.

Ad
Previous articleAl-Shabaab oo madaafiic ku garaacday saldhigga Baarsanguuni
Next articleCiidamada Xoogga dalka oo Al-shabaab kala wareegay degaano cusub iyo Wajiga labaad ee Dagaalka oo Dardar kusocda(Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here