Home Wararka Somaliya Jubbaland Al-Shabaab oo madaafiic ku garaacday saldhigga Baarsanguuni

Al-Shabaab oo madaafiic ku garaacday saldhigga Baarsanguuni

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday madaafiic oo ay maanta xubno ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa jawaab ka bixiyay ciidamada Jubbaland oo ku sugnaa sladhigga la weeraray, kuwaas oo iyaguna madaafiic xoogan riday.

Dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dhacday saldhigga, halka kuwa kalena ay ku hoobteen xaafado ay dagan yihiin shacab.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaaca ka qaaday in khasaare  ay ku gaarsiisay dhismaha xerada iyo ciidankii ku sugnaa, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhinaca kale saraakiil u hadashay dowlad goboleedka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen, isla-markaana ay ka hortgeen xubnaha Shabaab ee soo weeraray.

Sidoo kale waxa ay tilmaamay in haatan ay wadaan howlgallo ay ku baacsanayaan raggii weerarka soo qaaday oo goobta isaga baxsaday.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka magaalada xeebeedka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Ad
Previous articleCiidamadda Somaliland Ee Ku Sugan Aagga Gooja-Cade oo Weerar Culus lagu Qaaday Xili ay Dagaal isku Diyaarinaayeen
Next articleCiidamada Dowlada iyo Macawislayda Hiiraan oo Kaabiga Ku Haaya Deegaanka Booco(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here