Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Macawislayda oo Kaabiga Ku Haayo Magaalo Alshabaab mudo...

Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Macawislayda oo Kaabiga Ku Haayo Magaalo Alshabaab mudo maamulayaay

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Maleeshiyada Macawisley oo ay wehliyaan Guddoomiyaha gobolka Hiiraan & Wasiiro ayaa weli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada degaano katirsan Gobolka Hiiraan.

Ciidamada iyo mas’uuliyiinta la socda ayaa kaabiga u saaran saaka degaanka Ceel Cali oo 75-km Galbeed ka xiga Magaalada Beledweyne, halkaasoo sanado ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan qeybta 27aad ee ciidanka XDS ayaa sheegay in Al-Sabaab ay saaka isaga baxeen degaanka Ceel cali kadib markii ay ka war heleen duulaanka ku soo wajahan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada ay degaanka Ceel cali u jiraan masaafo aad u yar waxaana dadka degaanka ay ku waramayaan in maanta howlgalka si weyn looga dareemay halkaas, ayna jirto xaalad kacsanaan ah.

Ciidamada dowlada iyo maleeshiyooyinka la socda ayaa todobaadyadii la soo dhaafay howlgalo ka waday degaano ka tirsan gobolka Hiiraan, kuwaasoo Al-shabaab looga saaray degaano badan .

 

 

Ad
Previous articleDowlada Somalia oo Balanqaad Culus usamaysay Maamulada dalka
Next articleXeer ilaaliyihii Hore ee Qaranka oo loo Magacaabay Safiir