Home Wararka Maanta Ciidamada ATMIS oo Baneeyey Saldhig wayn oo ay ku lahaayeen Shabeelada Dhexe

Ciidamada ATMIS oo Baneeyey Saldhig wayn oo ay ku lahaayeen Shabeelada Dhexe

0

Ciidamada ATMIS ayaa saldhigii ay ku lahaayeen Degmada RaagaCeelle ee Gobalka Sh/Dhaxe ku wareejiyay Ciidamada Xoogga Dalka, waxaana munaasabada wareejinta saldhigaas goobjoog ka ahaa Saraakiil ka tirsan militeriga Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay ATMIS ayaa lagu yiri “Ciidamada ATMIS ee Burundi ayaa hadda loo daabuli doonaa gobollo kale oo Soomaaliya ka mid ah, si ay u xoojiyaan ammaanka, iyadoo la eegayo hakadka joojinta saddexda bilood ah ee ay dalbatay DFS.’’

Dhawaan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa codsatay in muddo la hakiyo heshiiskii bixitaan ka ciidanka ATMIS oo meelaha qaar ka baxay bilihii lasoo dhaafay, taas ayaa keentay in ciidamada qaar loo raro saldhigyo kale, waxaana maanta lagu bilaabay kuwii joogay Raagaceelle.

Warqadd ku taariikheysneyd 19-kii Septembar ayaa waxa ay dowladdu ku codsatay n 90 maalmood dib loo dhigo wajiga labaad ee ka bixitaanka ciidamada ATMIS oo qorshuhu ahaa in dalka looga saaro illaa 3,000 oo askari, marka la gaarao dhammaadka September.

“Waxay dowladda Soomaaliya codsaneynsaa in la hakiyo qorshihii bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Nabad Ilaalinta u jooga Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sababta ayaa waxa ay dowladdu xiligaas ku sheegtay inay haatan dagaal xoogan kula jirto Al-Shabaab, kaas oo mararka qaar khasaare xoogan uu kasoo gaaro ciidanka Xoogga dalka.

Waxaa kale oo qoraalkan saldhig looga dhigay in xilligan xaaladda taagan aysan saamaxeyn in dalka ay ka wada baxaan ciidamada howlgalka ATMIS.

Dhawaan, madaxweyne Xasan Sheekh oo arrintaan ka duulaya ayaa u dhoofay dalka Jabuuti, isaga oo halkaas u aaday inuu madaxweyne Geelle kala soo hadlo in ciidamadiisa ay sii joogaan aagga magaalada Dhuusamareeb oo uu hadda ka socda abaabulka dagaalka.

Si kastaba, qaraarka QM ayaa dhigaya in dhammaadka sanadka soo socda ciidanka ATMIS guud ahaan laga saaro Soomaaliya, si ay amniga ula wareegaan ciidanka Xoogga dalka, taas oo hadda la isla fahmay in dib loo dhigo 3-bilood kaliya.
Ad
Previous articleBiden oo Si layaab leh uga Hadlay Qarixii lagu Burburiyay Cusbitaalka Alhilaal ee Gaza
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaal laga Cabsi Qabo inuu Ka Qarxo Magaalada Baladweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here