Home Wararka Maanta Biden oo Si layaab leh uga Hadlay Qarixii lagu Burburiyay Cusbitaalka ...

Biden oo Si layaab leh uga Hadlay Qarixii lagu Burburiyay Cusbitaalka Alhilaal ee Gaza

0

Marka loo eego qaraxii habeen hore ka dhacay cisbitaalka Gaza, Biden wuxuu u sheegay ra’iisul wasaaraha Israa’iil inay “u muuqato” inay “sameeyeen kooxda kale”.

Biden waxa uu sheegay in uu “aad uga xun yahay ” dhacdada.

“Marka loo eego waxa aan arkay waxay u muuqataa in ay sameeyeen kooxda kale, ma aha adiga. Laakiin waxaa jira dad badan oo halkaas jooga oo aan hubin, sidaas darteed waa inaan ka gudubnaa waxyaabo badan.” ayuu yiri.

Xamaas ayaa ku eedaysay Mr Biden inuu si indho la’aan ah ugu eexday Israa’iil, waxayna sheegtay in Washington ay qayb ka tahay waxa ay ugu yeertay xasuuqa.

Dhacdadan ayaa keentay carrada sii kordhaysa ee Shucuubta gobolka, waxaana la baajiyay shir madaxeedkii la qorsheeyay ee Mr Biden iyo madaxda Carabta.

417 ayaa ku dhintay qaraxa cisbitaalka Gaza, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee deegaanka

Ad
Previous articleJabuuti oo ka hadashay qaraxii ka dhacay Cusbitaalka ku yaalla Gaza
Next articleCiidamada ATMIS oo Baneeyey Saldhig wayn oo ay ku lahaayeen Shabeelada Dhexe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here