Home Wararka Maanta Ciidamada Amniga oo ka digtay Qaraxyo kusoo wajahan Muqdisho, soona jeedisay...

Ciidamada Amniga oo ka digtay Qaraxyo kusoo wajahan Muqdisho, soona jeedisay shan qodob

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay uga digtay weeraro ay qorsheynayaan Al-Shabaab oo lala beegsado goobaha shacabka, waxayna usoo jeedisay shacabka talooyin ka kooban 5 qodob.

Hoos ka aqriso bayaanka

Muqdisho, 11 Nov 2022: Ciidanka Qaranka iyo shacabka oo is garabsanaya ayaa si xawli ah guulo uga gaaraya dagaalka lagula jiro Khawaarijta argagixisada ah.

Toddobaadkan waxaa Ciidanka Qaranka iyo shacabka ay guuldarooyin waaweyn ku huwiyeen cadowga degaannadii lagu dagaalamey ee Galmudug iyo HirShabelle, waxaana la dilay in ka badan 200 oo Khawaarij ah.

Dowladda Soomaaliya waxay bogaadineysaa shacabka oo markii ay garwaaqsadeen hagardaamada Khawaarijta, si buuxda u garab istaagey Ciidanka Qaranka, kuna biiray dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Khawaarijta oo ku jira xaalad naf la caari ah ayaa waxay weli faraha kula jiraan fal dembiyeedyo ay ka mid yihiin dilka dadka shacabka, burburinta kaabeyaasha sida ceelasha, beeraha, Buundooyinka, Waddooyinka iyo wixii la mid ah.

Dowladda Soomaaliya iyo laamaha amniga qaranka oo gudanaya waajibaadkooda sugidda amniga iyo difaaca shacabka ayaa waxaa ka go’an inay ciqaab kulul marsiiyaan cadowga Khawaarijta.

Dhanka kale dowladda waxay fareysaa shacabka inay muujiyaan feejignaan dheeri ah si looga hortago dhagarta cadowga. Xogaha sirdoonka ee la socodka dhaqdhaqaaqa Khawaarijta ayaa la kordhiyay, si looga hortago tallaabo kasta oo ay ku doonayaan inay shacabka ku waxyeeleeyaan.

Tallaabooyinka la doonayo inay shacabku qaadaan iyagoo si dhow ula shaqeynaya laamaha amniga, si looga hortago dhagarta iyo fal dembiyeedyada Khawaarijta waxaa ka mid ah:

1- In shacabku muujiyaan feejignaan guud, gaar ahaan inta uu socdo hawlgalka beegsiga Khawaarijtu.

2- Si gaar ah dowladdu waxay milkiilayaasha hotelada, maqaayadaha iyo goobaha kale ee ganacsiga u soo jeedinaysaa in ay muujiyaan taxaddar dheeri ah.

3- Muwaadiniinta waxaa loo soo jeedinayaa in ay si taxadar leh xaaladda ula socdaan, isla markaana yareeyaan tagista laga maarmi karo ee goobaha ay khatartu uga imaan karto.

4- Waxaa la xusuusinayaa milkiileyaasha guryaha, hoteelada, garaashyada iyo goobaha kaleba in ay il gaar ah ku hayaan dhaqdhaqaaqyada ka socda goobahooda, ciddii aragta ficillo shaki lehna waxaa laga codsanayaa in ay degdeg u soo wargeliyaan laamaha amniga.

5- Ciidamada amniga waxaa ka go’an inay sii wadaan hawlgallo qorsheysan oo lagu burburinayo Khawaarijta, sidaas darteedna waxaan ka codsanaynaa shacabka in ay dulqaad muujiyaan.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo ka Waraysatay Xaladooda Ciidamada Wali ku maqan Dalka Eriteeriya
Next articleGudoomiyihii Hore ee Maxkamada Cadaado iyo Wiil u Dhalay oo La Dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here