Home Wararka Maanta Ciidamada Amaanka Puntland oo Gacanta Kusoo Dhigay Ajaanibta Ka Tirsan Daacish

Ciidamada Amaanka Puntland oo Gacanta Kusoo Dhigay Ajaanibta Ka Tirsan Daacish

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo qorsheysan oo ay ciidamada ammaanka Puntland ka sameeyeen dhulka buuraha ee gobolka Bari, kuwaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Daacish oo ku sugan halkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ku dhow laamaha amniga Puntland ayaa innoo xaqiijiyay in howlgalladaas oo la sameeyay muddooyinkii u dambeeyay lagu soo qabtay xubnihii ugu badnaa oo ajaaniib ah, kana barbar dagaalamayay kooxdan.

Warbixinada la helaya ayaa muujinaya in xubnahaasi ay kor u dhaafayaan illaa 20, isla-markaana lagu qabtay howlgal ka dhacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Sida ay ogaatay mudug24 ajaaniibtan ayaa waxa ay kasoo kala jeedaan dalalka Itoobiya, Sudan, Marooko, Yemen iyo dalal kale.

Xubnaha ajaaaniibta ee haatan usoo gacan galay Puntland ayaa hadda waxaa ku socdo baaritaano dheeraad ah, ayada oo la filayo in lasoo saaro Maxkamad deg deg ah.

Puntland ayaa howlgallo culus  ka wada buuraha Galgalga oo ay ku sugan yihiin xubno ka kala tirsan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo weeraro kasoo abaabula halkaasi.

Inta badan waxaa dhulka buuraleyda ah ka dhaca dagaallo dhex-mara labada, kuwaas oo inta badan sababay khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Howlgalladan ka dhacay gobolka Bari ayaa dhinaca kale kusoo aadayo, ayada oo haatan Puntland ay ku jiro marxalad doorasho oo dhaliyay khilaaf siyaasadeed oo xoogleh.

Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaalka ka Socda Dalka Suuriya

Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka Suuriya ayaa sheegay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii

Dowlada oo Ciidan Dheeri ah u dirtay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa deegaanka Cadaan Laxeey oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe geysay ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Deegaankaan ciidamada dheeraad

Shirkadda Dayaaradaha ee Turkish Airlines oo hakisay Duulimaadyadii Muqdisho

Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay

Khudbadii Madaxweyne Donald Trump ee aqalka Congreska iyo Waxyaabihii uu kaga hadlay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay

Dagaal qaraar oo saakay ka dhacay Bariga Gobalka Mudug iyo Khasaaro ba’an oo ka dhashay

Dagaal aad u culus ayaa saakay goor hore ka qarxay Duleedka degmada Afbarwaaqo gaar ahaan degaanka Buq qalooc Dagaalkaan ayaa dhexmaray lama maleeshiyo beelood oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug
Ad
Previous articleC/raxmaan Bin Saalax oo dilay Hooyadiis iyo Walaashiis kaddibna meydkooda gubay oo la qisaasay
Next articleMaxaa kasoo baxay baaritaanka shilkii uu ku lug lahaa wiilka madaxweynaha Soomaaliya?