Home Wararka Maanta Maxaa kasoo baxay baaritaanka shilkii uu ku lug lahaa wiilka madaxweynaha Soomaaliya?

Maxaa kasoo baxay baaritaanka shilkii uu ku lug lahaa wiilka madaxweynaha Soomaaliya?

0

Baaritaan ku saabsan shilkii uu ku lugta lahaa wiilka uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay ay wadeen khubarrada dambiga iyo Machadka foreensigga dalka Turkiga ayaa soo saaray warbixin cusub.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in shilka gaari ee ka dhacay magaalada Istanbul 30-kii bishii Novembar ee uu ku dhintay Yunus Emre Göçer oo ah wade mooto uu khaladka lahaa Maxamed Xasan Sheekh Maxmuud sida lagu sheegay natiijada baaritaanka Machadka iyo Khuburrada.

Natiijada baaritaanka ayaa lagu sheegay in Maxamed Xasan Sheekh oo si xawli ah ku socday uu ku dhacay mootada, isagoo u leexiyay dhanka midig, halka darawalka mootada Göçer uu yareeyay xawaarihiisa oo u leexday dhanka saxda ah.

Warbixinta baaritaanka waxaa kale oo lagu sheegay Maxamed Xasan Sheekh uusan tixgalin xaaladda, oo uusan qaban bareegga, sidaasna uu khaladka ku lahaa.

Darawalkii mootada Yunus Emre Göçer, oo ku dhintay shilka, ayaa sidoo kale natiijada lagu shegay in uu lahaa khadka labada.

Waxa la sheegay in Göçer uu sameeyay khaladka ah in uusan si fiican u fiirin muraayadda gadaale ee laga fiiriyo baabuurta kaa dambeeysa, isla markaan uu leexday dhanka midig yareeyna xawaare sare oo uu ku socday taas oo keentay in shilku dhaco.

Maxaa lagu sheegay warbixinta khabiirrada ee tagay goobta shilka?

Kooxo khabiirro ah oo sameeyanayay baaritaan ayaa warbixinta ay soo saareen la wadaagay warbahinta DHA ee dalka Turkiga.

Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sheegay in mootada ay si lama filaan ah dhinac midig ugu leexatay isaga oo aan shidin wax calaamad ah, darawalku ma uusan wadan koofiyad.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in inkasta oo uu bareegga qabtay, haddana uu ku dhacay mootada, laakiin Khabiirradu waxay shaaciyeen in wadaha mootada dhinac u leexaday, balse Maxamed Xassan uu ku dhacy oo gaariga uusan tartiib u wadin.

Iyaz Çimen, oo ah qareenka qoyska Göçer oo la hadlayay wakaaladaha ayaa yiri: “Darawalkii gaariga, oo boqolkiiba 100 khaladka lahaa waxaan filayaa in lagu ciqaabi doono arrintan”.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay walaac ka qabaan in eedaysanaha uu soo laabto ama lasoo qabto maddaama hadda arrinta ay kasoo wareegtay toddobaad oo aan wax tallaabo ah la qaadan.

Wasiirka caddaaladda Turkiga waxa uu sheegay in baaritanka arrinta ku saabsan uu sii socon doono isla markaana qof kasta uu sharciga u hoggaansami doono.

Ad
Previous articleCiidamada Amaanka Puntland oo Gacanta Kusoo Dhigay Ajaanibta Ka Tirsan Daacish
Next articleAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo musuq lagu eedeeyay xayiraad socdaalna la saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here