Home Wararka Maanta Ciidamada Amaanka oo Wali Kawada Muqdisho Howlgalo Soona qabtay burcad...

Ciidamada Amaanka oo Wali Kawada Muqdisho Howlgalo Soona qabtay burcad Hubeesan (Sawirro)

0

Ciidamada booliiska ee ka howlgala degmada Dayniile ayaa xalay xaafado katirsan degmadaasi ku qabtay kooxo burcad hubeesan, oo dadka shacabka ah dhac iyo dhibaatooyin kalaba u geesanayay.

Burcadan ciidamada amaanka qabteen ayaa qaarkood xirnaa dareeska ciidanka milatariga Soomaaliya kuna hubeesnaa qoryo, halka kuwa kalana ay wateen tooreeyo ay dadka ku dhacayeen .

Maamulka degmada Dayniile ayaa sheegay in burcadan hubeesan la qabtay xilli dhac ka geesanayeen xaafado katirsan degmada o, waxaana maamulka sheegeen in burcadan sharciga lala tiigsan doono.

Kooxaha burcada hubeesan ee lagu qabto xaafado katirsan magaalada Muqdisho ayaa maalmo kadib mararka qaar laga soo daayaa xabsiyada, waxa ayna mar kale dib ugu laabtaan shaqadoodii dhaca iyo dhibaateenta shacabka.

Amanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay sii xumaanayay, waxaana magaalada kusoo badanayay kooxaha burcada hubeesan ee xiran dareeska ciidanka iyo sidoo kale ciyaalka weerada oo markan burcad isku bedelay.

Ad
Previous articleAxmed Madoobe oo Sameeyey arin Aysan Wali Samayn Maamulada Dalka ka Jira layaabna ku Noqotay Dadbadan(Sawiro)
Next articleToogasho Dadbadan lagu Dilay oo ka dhacday dalka Koonfur Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here