Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamada Amaanka Dhuusa-Mareeb Oo Dad Badan U Xiray Dilka Shiiq Xasan Iyo...

Ciidamada Amaanka Dhuusa-Mareeb Oo Dad Badan U Xiray Dilka Shiiq Xasan Iyo Saciid Tahliil

0

Alle ha unxariistee waxaa fiidnimadii xalay magaalada Dhuusamareeb ee xaruntda maamul goboleedka Galmudug lagu dilay Shiiq Xasan Diirshe Cade Iyo Saciid Tahliil Maxamed oo ah ganacsato.

Labada Marxuum oo labaduba ganacsato ahaayeen ayaa la sheegay in loo dilay aano qabiil oo daba socotay dad hore loogu dilay deegaanka.

Waxa labada marxuum lagu dilay bartamaha magaalada, taas oo cabsi kale ku abuurtay dadka deegaanka.

Booliska magaalada ayaa dad u xirxiray dhacdadan iyada oo wararka nasoo gaaraya ay sheegayaan in gaadidna la qabtay.

Xiriir aan la sameynay laamaha ammaanka ee magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay noo sheegeen in ay baaritaanno ku wadaan sida ay wax u dheceen.

Taliyaha saldhigga booliska ee magaalada Dhuusamareeb Nuur Cilmi Hoosagale ayaa BBc-da uga war bixiyay sida ay wax u dheceen isagoo yiri “Walaaleheen ayey gacan kaxaq daran caawa ku dileen Dhuusamareeb, waxa ay kamid ahaayeen dadka ugu macquulsan magaalada, waxa ayna ahaayeen ganacsato, marka xigta Falkaan waa mid aragagax leh, cid kasta oo geysatay wax ay uga dan leedahay qal-qal gelin amni.

“Dilku waxa uu ka dhacay gudaha magaalada, waxa uu dhacay xilli uu roob da’yay oo lakala okoranayay, marka loo fiiriyo xilliyagana waxa ay ahayd waqti is beddelka shaqada uu dhacayay oo is beddelka ciidamada uu socday, oo shaqadii habeenimo iyo tii maalinnimo la’is dhaafsanayay”ayuu yiri.

Taliyaha oo ka hadlayay ayaa yiri, “dilku waxa uu u muuqday in lala eegtay waqtiga uu dhacayay, waxaa lagu dilay meelo kabaxsan shaqdooda balse aan ka fogeyn, waxaana uu ahaa mid lagu carqadeynayo amniga magaalada”.

Booliska ayaa sheegay in ay baaritaanno wadaan iyadoo lagusoo qabtay dad lagu tuhusanyahay in ay lug lahaayeen dilka ganacsatada, dhinaca kale arrintan dilka ayaa la’isla dhex marayay in uu salka ku hayo aano qabiil.

Nuur Cilmi, oo ka hadlay baaritaannada ay sameeyeen iyo sababta ka dambeys dilka ayaa yiri, “Baaritaanno ayaan sameynay oo waxaa lasoo qabtay dad laga shakiyay, waxaa jira tuhmanayaal aan heyno magacyadooda, haddana aan ku howlannahay in aan gacanta kusoo dhigno, arrinta kale ayaa ah in falkan uu yahay mid amniga loogasoo horjeedo iyo mid ay ku jiraan dano siyaasadeed mana aaminsanin in ay tahay arrin salka ku heysa aano qabiil”.

Ad
Previous articleHubka Dhigis lagu sameeyey Beelihii dhawaan Ku Dagaalamay Gobalka Shabeelada Dhexe
Next articleCiidamada Dowlada oo Fashiliyay Qarax Alshabaab Doonayeen inay Dad ku laayan(Sawiro)