Home Wararka Maanta Cambar boqollaal kun oo doollar lagu qiimeeyay oo laga helay caloosha nibiri...

Cambar boqollaal kun oo doollar lagu qiimeeyay oo laga helay caloosha nibiri dhintay

0

Cambar laga helay mindhicirka nibiri dhintay oo ku caariyay xeebta La Palma, oo ah jasiirad ku taal dalka Spain, ayay saynisyahannadu waxay ogaadeen inuu yahay hanti aad qaali u ah.

Culeyka dhagaxaan ayaa lagu sheegay inuu yahay 9 kiilo, waxaa loo yaqaanaa “Cambar” , kaas oo, sida ay daabacday warbaahinta maxalliga ah, lagu qiimeeyay 500,000 oo doolarka Mareykanka ah.

Nasiib darrose waxaa la sheegay in dhimashada nibiriga uu dhagaxaan sabab u ahaa.

Nibiriga oo dhererkeedu yahay 13 mitir, culeyskeeduna yahay ilaa 20 tan, ayaa laga helay xeebta Nogales, ee La Palma, bartamihii bishii May.

Dhowr toddobaad oo cilmi baaris ah ka dib, cilmi-baarayaal ka socda Machadka Caafimaadka Xoolaha iyo Badbaadada Cuntada (IUSA) ee Jaamacadda Las Palmas de Gran Canaria ayaa daaha ka qaaday bishii hore in waxa sababay dhimashada xayawaanka uu yahay dhagaxa oo uga jiray xiidmaha kaas oo horseeday inay caloosha nibiriga istaagto.

Noocyadan “dhagaxaan” ayaa waxa ay ka sameysmaan cuntada ay cunaan nibiriyada waaweyn ee loo yaqaan Sperm Whale. Inkastoo saxarada ay ku baabi’in karaan ama ay matagi karaan, hadana xaaladaha qaarkood waxay ku dhamaadaan inay galaan mindhicirka taas oo dhibaato u keenta xaywaanka.

In dhagaxaas uu galo mindhicrka ayaa waxay keentay in xayawaanku uu ku dhaco xanuunka loo yaqaan diphtheroid colitis kaas oo sababay in bakteeriyada ka soo baxda mindhicirka ay gaarto dhiigga, taasoo keentay dhiigbax ku yimid xubno badan.

Warshadaha ama shirkadaha barfuunada ayaa waxaa aad loogu qiimeeyaa camberka ku jira . Laakiin khubarada ayaa sheegaya in kaliya 1% ilaa 5% ee nibiriyada ay dhab ahaantii soo saaraan , taas oo kordhisa qiimaheeda.

Waayadii hore cambarka waxaaloo isticmaali jiray xafladaha diimeed, sida aphrodisiac ee Bariga Dhexe, delicatessen ee Shiinaha. Sidoo kale waxaa loo isticmaali jiray qayb ka mid ah daawooyin dhaqameedka, balse maanta hadda cambarka waxaa isticmaalaa inta badan warshadaha soo barfuunada.

“Cambarka waxa uu leeyahay caraf aad u gaar ah,” Dom Devetta, oo ah aasaasaha shirkadda Britishka ee Shay & Blue, ayaa u sheegay BBC Mundo.

“Udgoonka cambarka waa mid aad u sarreya oo aad u macaan. Wuxuu baraafuunada ku kordhiyaa udug aad qofka u soo jiidanaya oo dareenkiisa badalaya taas oo ay adag tahay in la helo wax la barbardhigo ,” ayuu yiri Dom Devetta.

“Waxay sidoo kale ka caawisaa in barfuunka uu qofka jirkiisa ama dharkiisa ku jiro,” ayuu raaciyay khabiirka udugga.

Muxuu yahay cambarka nibiriga?

  • Cambarka ayaa ah mid naadir ah oo qiimo leh kaas oo laga sameeyoa cadarka.
  • Daraasado waxay muujinayaan in la isku daaweyn jiray sida dawo ama cunto sare u qaada shahwada.
  • Waa xubin qoyan oo isku dhaggan kaas oo laga helo mindhicirrada nibiriga.
  • Waxaa loo adeegsadaa sameynta cadarrada.
  • Dalal dhowr ah waxaa ka mamnuuc ah in laga ganacsado cambarka nibiriga halka kuwo kalena ay u arkaan khashin.
Ad
Previous articleGarsoore loo heysto Xatooyo Xoolo Dad Wayne oo la soo taagay Maxkamada G/Banaadir
Next articleAabe dilay xaaskiisa & caruur ay isku dhaleen oo xukun adag lagu riday (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here