Home Wararka Maanta Aabe dilay xaaskiisa & caruur ay isku dhaleen oo xukun adag lagu...

Aabe dilay xaaskiisa & caruur ay isku dhaleen oo xukun adag lagu riday (Sawirro)

0

Aabe ceejiyey xaaskiisa iyo laba caruur ah oo uu dhalay ayaa lagu xukumay xabsi 40 sano ah. Kalkaalisa Anju Asok, 35, Jeeva Saju, lix jira , iyo Janvi Saju, afar jira , ayaa laga helay guriga qoyska ee Kettering ee UK , iyaga oo qaba dhawac halis ah 15kii Dicember 2022.

Garsooraha ayaa u sheegay Saju Chelavalel inuu “nafta ka qaaday ” xaaskiisa halka caruurtuna ay u ku qaylinayeen hooyo. Chelavalel oo 52 jir ah ayaa maxkamadda Petherton, ka qirtay dilka bishii Abriil.

Garsooraha, Mr Justice Pepperall ayaa ku xukamay xabsi daa’in , maxkadda Northampton Crown Court, wuxuuna amray in uu ugu yaraan xabsiga ku jiro 40 sano.

Chelavalel oo asal ahaan kasoo jeedaa Kerala oo Hindiya, waxa uu sheegay in uu rumaysan yahay in xaaskiisa ay xiriir la lahayd cid kale , waxana uu ku andacooday in uu awoodi waayey in uu is xakameeyo isaga oo sarkhaansan kadibna uu dilay qoyskiisa abaaro 22:00 GMT 14-kii December.

Baaritaannada dhimashada ka dib ayaa lagu ogaaday in dhammaan saddexda dhibbane ay u dhinteen neef-qabatin, sida uu sheegay Booliska Northamptonshire.

Ad
Previous articleCambar boqollaal kun oo doollar lagu qiimeeyay oo laga helay caloosha nibiri dhintay
Next articleMaxkamadda Sare ee Somaliland oo laga dalbaday in ay go’aan ka gaarto muranka doorashooyinka Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here