Home Wararka Maanta Cabdiraxman Cabdishakur Oo nasiib darro ku tilmaamay dhaqan ay ka siman yihiin...

Cabdiraxman Cabdishakur Oo nasiib darro ku tilmaamay dhaqan ay ka siman yihiin inta badan madaxda Soomaalida

0

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa nasiib darro ku tilmaamay dhaqan ay ka siman yihiin inta badan madaxda Soomaalida.

Waxa uu sheegay in madaxda ay jecel yihiin in la amaano, lagana indho saabo xaqiiqooyinka jira, islamarkaana ay marba marka ka dambeysa soo xirmeyso masaaxada runta loogu sheegi karo madaxda Soomaalida.

“Nasiib darro waxaa marba marka ka danbaysa soo xirmaya masaaxada runta loogu sheegi karo madaxda Soomaalida, waxaa dhismaya dhaqan siyaasadeed wasiir iyo waardiyuhu isku mid yihiin,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa la dhibsanayaa dhaliisha, waxaa la iska indha tirayaa waaqaca, waxaa lala dhacsan yahay ammaanta, waxaa la raadinayaa maxaa la igu hadal haynayaa? Waa tan keentay in yuutuubar ka macno bato indheergaradkii iyo Ahlu Xali Wal Caqdigii.”

Wuxuu madaxda Soomaalida usoo jeediyay in laga rabo inay abuuraan jawi la-taliyayaashooda iyo wasiirrada runta ugu sheegi karaan, si loo wajaho waaqica iyo xaqiiqada taagan markaas.

“Madaxda iyagaa laga rabaa in ay abuuraan jawi ay la taliyayaashooda iyo wasiirrada runta ugu sheegi karaan, haddii aysan dhicina waa in ay iyagu kula dhirradaan,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa uu intaas kusii dareyna “Midna ogaada raga xukunka hayow, wasiir aan kula doodi karin, damiirkiisa hadli karin, runta kugula dhici karin, qaladka kaa celin karin, ha ka sugin in uu xukun kuu difaaco ama dowlad iyo dal waxtaro.”

Ad
Previous articleWiilal Soomaali ah oo dhawaan galay Canada oo ku dhintay shil baabuur
Next articleCiidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta howl-gal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here