Home Wararka Maanta Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi mar labaad loo magacaabay guddoomiye Bankiga Dhexe ee Soomaaliya

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi mar labaad loo magacaabay guddoomiye Bankiga Dhexe ee Soomaaliya

0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhoweyd waxa uu Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi mar labaad u magacaabay guddoomiye Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Magacaabistan ayaa lagu shaaciyay war-saxaafadeed kasoo baxay Bankiga Dhexe, kaasi oo lagu baahiyay barta Bankiga ee Twitter-ka.

Muddo xileedka cusub ee guddoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa ka bilaabanaya 17-ka bishaaan ee 2023-ka, kaasi oo dhan afar sano.

Afartii sano ee la soo dhaafay, Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS) waxa uu isu beddelay mid siyaasad ku haga oo ku dhisan hay’ad shaqo oo uu hoggaamiyo guddoomiye Cabdiraxmaan.

“Guulaha waaweyn ee dib u habeynta lagu gaaray waxaa ka mid ah nidaaminta Adeegga Lacagaha Taleefannada, Sameynta Kaabayaasha Lacag-bixinta Qaranka, Hirgelinta Lambarka Xisaabta ee Bankiga Caalamiga ah (IBAN), iyo in la qaato Heerarka Jawaab-celinta Degdegga ah ee Qaranka Soomaaliyeed (SOMQR).”

Qorshayaashan ayaa gacan ka geystay horumarinta kamid noqoshada maaliyadda, horumarinta hufnaanta waaxda maaliyadda, iyo kobcinta wada-shaqaynta gudaha qaabka lacag bixinta ee Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ay heshay ra’yi hantidhawr nadiif ah warbixinteeda maaliyadeed ee sanadlaha ah ee sanadka saddexaad ee isku xigta.
Ad
Previous articleDagaal Culus oo Maalintii Sadexaad Kasocda Shabeelada Dhexe iyobHirshabeele oo Daawanaysa
Next articleAlshabaab oo Dhexdoodu Dagaal Amiiro ku dhinteen Dhexmaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here