Home Wararka Somaliya C/raxmaan Cabdishakuur ” ma doonayno La kulanka Farmaajo

C/raxmaan Cabdishakuur ” ma doonayno La kulanka Farmaajo

0

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame kana mid ah Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in xilligaan aysan u baahneyn la kulanka Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayuu ku sheegay in Farmaajo uu soo xiray Albaabadii wada-hadalka, isla markaana uu noqdah hoggaamiye Kooxeed sidola uu hadalka u dhigay.

“Farmaajo isagaa irdaha u soo xiray wadahadaladii doorashooyinka, ka dibna hoggaamiye kooxeed noqday. Ma jirto cid xiisa u qabta la kulankiisa. Waxaase is waydiinta mudan Dawlad Goboleedyada qaarkood bulshadii rayidka iyo waxgaradkii ayey la tashadeen, ka dibna golayaashii Wasiirada iyo Baarlamaanka ayaa go’aan ku diiday muddo kororsiga ayuu yiri  Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale waxaa uu isweeydiiyay cidda ay lantashadeen dawlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed markii ay go’aanka muddo kororsiga Farmaajo ku taageereen.

Warkaan kasoo yeeray Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli xalay kula Midowga Musharixiinta ay la yeesheen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hir-Shabeelle oo Ergo ahaa ay diideen inay la kulmaan Farmaajo.

Ad
Previous articleWasiirkii Ganacsiga Soomaaliya oo si Mug leh uga Hadlay Siyaasada Soomaaliya iyo Waqti Kororsiga Farmaajo.
Next articleXildhibaan Gaandi oo Faransiiska ku geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here