Home Wararka Maanta Buuq Iyo Fowdo Maantay Kaa Taagan Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ogoow Sababta

Buuq Iyo Fowdo Maantay Kaa Taagan Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ogoow Sababta

0

Buuq xoogan ayaa maanta hareeyay kulan ay haatan xildhibaanada Golaha Shacabka uga socdo xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, kaas oo saameyn ku yeeshay furitaanka fadhiga maanta ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Buuqa ayaa waxaa sameeyay xildhibaan gabdho u badan oo ku jira Golaha Shacabka, kuwaas oo buuqa ka dhex sameeyay gudaha xarunta, kahor inta uusan bilaaban shirka.

Sida ay ogaatay Mudug24 buuqa ayaa ka dhashay arrin la xiriirta amniga, kadib markii uu soo baxay amar lagu baarayo xildhibaanada galaya gudaha xarunta.

Arrintaan ayaa saameyn ku yeelatay xildhibaanada Baarlamaanka, gaar ahana kuwa dumarka, maadaama la amray in wixii alaab ah oo ay wataan sida shandada inay soo marsiiyaan qolada baaritaanka kahor inta aysan imaan hoolka Golaha Shacabka.

Xildhibaano badan oo la kulmay dhacdadan ayaa marka ay soo galeen hoolka shirka ka horyimid in kulanka uu billowdo, ayaga oo cabasho ka keenay go’aankaasi.

Muuqaal ay heshay warbaahinta ayaa muujinaya haween badan oo xildhibaano ah oo taagan masrax iyo guddoonkka hortiisa, kuwaas oo si caro leh uga hadlay arrintan.

Nuux ayaa shaaca ka qaaday in aan si gaar ah loo bartilmaameedsaneyn gabdhaha ku jira Baarlamanka, wuxuuna sheegay in kaliya ay tahay in wixii qalab ah lasoo marsiiyo amniga.

“Muhiimadda ugu badan waxa ay aheyd hal arrin oo ku saabsaneyd in qofkii golaha imaanaya dumar kaliya ma aheyn wax quseeya ma jirin wax u gooni ah gabdhaha  oo baaritaan ah,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdulaahi Xasan (Nuux).

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Muhiimaddu waxa ay aheyd qofkii wata qalab ama shandad weyn inuu tuso qolad iskaanka oo uu yiraahdo ila fiiriya,”.

Ugu dmabeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan habooneyn in Baarlamaanka laga kiciyo xasarad, isla-markaana uu xildhibaanka xaq u leeyahay inuu cabashadiisa soo gudbiyo, kadibna ayaga oo kaashanaya guddoonka sare ay wax ka qaban doonaan arrintaasi.

“Baarlamaanku kolka uu arko cilad ama waa inuu yiraahdo sidaasi ma haboona annaguna sidii aan habooneyn waan ka leexaneynaa waana la fal-galeynaa, ayada oo aan laheyn xasarad iyo dhawaaq,” ayuu ku soo gabagabeeyay hab-dhwworaha Golaha Shacabka.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Kasocda Laasacaanood oo Maantay Waji kale Yeeshay
Next articleSoomaaliland oo Maantay Dagaal Qaraar kadib Taaangiyo Laga Qabsaday iyo Saldhig wayn