Home Wararka Maanta Burcad telefonada Gacanta Dhacaysay oo Caawa lasoo Qabtay(Sawiro)

Burcad telefonada Gacanta Dhacaysay oo Caawa lasoo Qabtay(Sawiro)

0

Ciidamada Booliska DF ayaa caawa burcad hubeysan ku qabtay xaafada Raadeelka oo ka tirtsan degm,ada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Burcadan oo ku hubeysanaa qoryo ayaa qaarkood xirnaa dareyska milatariga, waxaana xiliga gacanta lagu dhigayey ay ku howlanaayeen iney shacabka ka dhacaan telefoonada gacanta.

Raggan burcada ayaa iska caabin kala hortagay ciidamada amaanka ka hor inta aan la qabanin, waxaana is rasaaseyn kooban kaddib ciidamada qabteen saddex burcada ka mid ah iyo Mooto Bajaaj ay wateen halka mid kalana uu baxsaday.

Ciidamada ayaa sidoo kale la wareegay telefoono dhowr ah oo burcadan ay ka soo dhaceen shacab degan xaafado ka tirsan Dayniile.

Ad
Previous articlePuntland oo faahfahisay Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalkii Saakay Alshabaab ku Qaadeen Afurur
Next articleXiisad Kaa Tagaan Magaalada Baladweyne iyo Ciidamo Xirtay Qaybo ka Mid ah Magaladaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here