Home Wararka Maanta Booliska soomaaliya oo xabsiga Dhigay Haweeneydii ku Hanjabtay Inay Xasan Shiikh Dhashiike...

Booliska soomaaliya oo xabsiga Dhigay Haweeneydii ku Hanjabtay Inay Xasan Shiikh Dhashiike ku Dilayso

0

Ciidamada booliiska qeybta gobolka Banaadir gaar ahana saldhigga degmada Dharkeenley ayaa xabsiga dhigay haweeney lagu magacaabo Fartuun Nuur Maxamad , taa oo lagu eedeeyay aflagadao iyo kicin bulsho.

War kasoo baxay taliska booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in haweeeydan lasoo xiray in aflagaado u geesatay madaxda dalka, waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay ku kacday kicin bulsho iyo fitno abuur .

haweeneydan Waxay Horay Ugu Hanjabtay Inay xasan shiikh Dhashiike ku Dilayso Xili ay ku sugnayd Dabdamiska oo Banaanbax ay ka Qaybgalaysay.

Booliiska ayaana sheegay in haweeneydan lasoo xiray ay hadda ku socdaan baaritaanno, waxa ayna tilmaameen in la horgeyn doono laamaha caddaalada si loogu qaado dambiga lagu soo eedeeyay.

Gabadhan maanta la xiray ayaa horey ugu baaqday beesheeda degta Dabdamiska in ay hubka soo qaataan lana dagaalaan dowladda, waxa ay sidoo kale sheegtay in Madaxweynaha dili doonto haddii uu Wisil yimaado.

Ad
Previous articleFalastiiniyiinta Rafax Oo Wajahaya Xaalad Adag Kadib Go’aankii Q.Midoobe
Next articleAkhriso Magacayada Kooxda Alshabaab ee Maantay Cunaqabtaynta Lagu soo Rogay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here