Home Wararka Maanta Booliska Soomaaliya oo Mamnuucay Baanaanbax lagu Qabto Muqdisho XilinSheegoow Wali Xiranyahay

Booliska Soomaaliya oo Mamnuucay Baanaanbax lagu Qabto Muqdisho XilinSheegoow Wali Xiranyahay

0

War qoraal oo caawa kasoo baxay taliska ciidanka booloiiska gobolka Banaadir ayaa lagu mamnuucay in magaalada Muqdisho lagu qabto bannaan-baxyo aan loo marin hab-raac ah sax ah.

Booliiska ayaana sheegay in sababo amni darteed loo joojiyay in magaalada Muqdisho lagu qabto dibad-baxyo aan loo marin habraac sax ah,  waxa ayna booliiska sheegeen in tallaabo sharci ah laga qaadi doono ciddii qabata ama abaabusha dibad-bax.

”Dadweynaha Soomaaliyeed, ee ku dhaqan Caasimada iyo nawaaxigeeda, waxaa lagu wargalinayaa, sababo amaan dartood, in aan la abaabulikarin, la qaban karin banaan-bax aan loo marin habraac saxan, sida ku cad Xeerka Nabadgalyada Guud. Cidii ku kacda ama lagu helo iyada oo abaabulaysa, waxaa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan” ayaa lagu yiri warka caawa kasoo baxay booliiska.

Mamnuucida dibad-baxyo in lagu qabto magaalada Muqdisho ayaa imaanaya xilli dhawwaan magaalada Muqdisho dibad-baxyo rabshado watay ka dhigeen dad kasoo horjeeda xarig ciidanka dowladda u geesteen Jeneraal Sheegow.

Ad
Previous articleNISA oo Cagta Marisay Maxkamadii Alshabaab ee Duleedka Muqdisho
Next articleDagaal Culus oo Saacado Badan Socda Qaatay oo ka Socda Degaan Maamlmo ka Hor Alshabaab lagala Wareegay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here