Home Wararka Maanta Booliska Soomaaliya oo Ka warbixiyay Qaraxyadii iyo Dagaaladii Xalay Ka Dhacay Muqdisho

Booliska Soomaaliya oo Ka warbixiyay Qaraxyadii iyo Dagaaladii Xalay Ka Dhacay Muqdisho

0

Waxaa xalay dagaalyahano katirsan Al Shabaab weeraro qaraxyo ku bilowday ku qaadeen saldhiga booliiska degmada Kaxda iyo sidoo kale goob ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan dowlada oo kutaala xaafada Daarusalaam.

Weerarka koobaad ayaa saqdii Dhaxe xalay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray saldhiga booliiska degmada Kaxda ,waxaana qaraxa kadib saldhiga weerar toos ah ku qaaday dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Dagaal daqiiqado dhoor ah socday ayaa dhax maray ciidamada booliisaka ee ku sugnaa saldhiga iyo dableydii weerarka geesatay, waxaana halkaasi ka dhashay khasaaro soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dad shacab ah.

Daqiiqado yar kaddib ayaa weerar kale oo qarax ku bilowday waxa uu ka dhacay xaafada Daarusalaam , waxaana weerarkaasi la sheegay in lagu qaaday guri uu halkaasi ka degnaa Guddoomiye kuxigeenka amniga degmada Hiliwaa Axmed Nuur Adeerow.

Iska hor imaad daqiiqado socday ayaa sidoo kale halkaasi ka dhacay, waxaana khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah oo goobtaasi ka agdhawaa.

Afhayeenka booliiska oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada ammaanka kahor tageen weerarada Al Shabaab, waxa uuna sheegay in weerarada qaraxyada iyo weeraradii xigay ka dhasheen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeenka ayaana si cad u sheegin khasaaraha ka dhashay weerarkii ka dhacay degmada Kaxda, waxa uuna ku gaabsaday in dad shacab ah waxyeelo kasoo gaaray, waxa uu sidoo kale sheegay in weerarka Daarusalaam ku dhintay labo gabdhood, askar iyo dad kale.

“Daarusalaam weerarka ka dhacay waxa ay waxyeello kasoo gaartay ilaa 16 ruux oo Shacab ah oo dhaawac soo gaaray, waxaana u xannuun badan ilaahaye ha u naxariistee labo Gabdhood oo yar, saddex Askari oo Booliis, Miliatari & kooxaha ka shaqeeya nabadgalyada ayaa waxyeello ku gaartay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Weeraradii xalay ruxay magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ayaana shacabka magaalada Muqdisho oon waayadan maqlan weeraro nuucaas ah argagax badan ku abuuray, waxa ayna qaraxyada ahaayeen kuwa hurdada ka toosiyeen dad badan oo xilligaa hurday.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleJames Swan oo Ka Hadlay Doorashada Soomaaliya
Next articleAlshabaab oo War Kasoo saray Weeraradii Xalay ay Ka Geesteen Muqdisho