Home Wararka Maanta James Swan oo Ka Hadlay Doorashada Soomaaliya

James Swan oo Ka Hadlay Doorashada Soomaaliya

0

Isagoo maanta magaalada New york warbixin kooban ku siinayey Golaha Ammaanka, ayuu Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan soo dhoweeyay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay hannaanka doorashada.

Waxaa uu xusay in 130 ka mid ah 275-ta kursi ee Golaha Shacabka la soo buuxiyay ilaa hadda, wuxuuna ku baaqay in la dedejiyo doorashada  kuraasta hartay.

Waxa uu sheegay in madaxda Soomaaliya  looga baahan yahay inay laba jibaaraan dadaalkooda si loo gaaro qoondada haweenka ee 30% ee doorashada  baarlamaanka, iyo in la hubiyo in matalaadda haweenka ee baarlamaanka ay sii kordhineyso in horay loo sii socdo.

Hadalkiisa waxa uu Ergaygu ku boorriyay madaxda Soomaaliya in ay meel iska dhigaan khilaafka, kana shaqeeyaan danta dhammaan shacabka Soomaaliyeed, soona gebagebeeyaan doorasho lagu kalsoonaan karo, isla markaana dib diiradda loo saaro dadaallada mudnaanta qaran leh sida amniga, dawlad- dhiska iyo horumarka.

Ad
Previous articleGudiga Doorashooyinka Xalinta Khilaafaadka Oo Hakiyay Doorashada 4 Kursi
Next articleBooliska Soomaaliya oo Ka warbixiyay Qaraxyadii iyo Dagaaladii Xalay Ka Dhacay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here