Home Wararka Maanta Boliiska Soomaaliya oo Ka hadlay Qaraxii Maanta ka dhacay Muqdisho

Boliiska Soomaaliya oo Ka hadlay Qaraxii Maanta ka dhacay Muqdisho

0

Booliska Soomaaliya ayaa war kasoo saaray qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay saakay xaafadda Taleex ee Muqdisho.

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeee ayaa qoraal uu soo dhigay ku sheegay in qaraxa lala damacsanaa gaadiid ka mid ah kuwa ilaaliya UN-ka oo goobta marayey 8-ruux ayuu sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 17-kalena ay ku dhaawacmeen qaraxaas.

Qoraalka Afhayeenka ayaa u qornaa”25-11-2021 abaaro 07:32hrs waxaa Qarax gaari ka dhacay inta u dhaxeysa isgoyska Tarabuunka iyo Guriga Ex.M. Cabdiqaasim gaar ahaan Afaafka Hore Ee Iskuulka Mocaas oo kuyaala kasoo horjeedka Dugsi sar Banaadir

Gaariga Qarxay Noociisu waa Surf kana yimid dhanka Tarbuunka taarget.ka wuxuu ahaa Baabuurta waardiyeysa UN.ka ee Looyaqaano Duguf Security Qasaaruhuna ay Turakoobeen Boliisku waa 8 Dhimasho ah iyo 17 Dhaawac ah”

Ad
Previous articleFaah Faahin Ku saabsan Qarax ka dhacay Muqdisho
Next articleSawiro: Qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho Saaka oo Faahfaahin laga helayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here