Home Wararka Maanta Beesha Caalamka oo Warsaxafadeed kasoo Saartay Dagaalkii Goojacade looga saaray Soomaaliland

Beesha Caalamka oo Warsaxafadeed kasoo Saartay Dagaalkii Goojacade looga saaray Soomaaliland

0

Beesha Caalamka oo horey ugu guuldareysatay joojinta dagaalka Laascaanood, ayaa soo saartay warsaxaafadeed ku wajahan dagaaladii ka dhacay gobalka Sool, waxayna sheegeen.

1- In ay ka welwelsan yihiin dagalao deegaano kale ku fiday, oo uu saameynayo.

2- Labada dhinacba waxay ugu yeereen in Heshiis xabad joojin ah la gaaro, iyagoo ka digay abaabulka dagaalo kale iyo qorida maleeshiyadka.

3- Waxay sheegeen in ay ka walaacsan yihiin tiro badnaanta maxaabiista la qabtay, oo ay sheegeen in ay sharci tahay in loo hogaansamo sharciyada marinta maxaabiista.

4- In kabaayasha rayidka iyo hantidooda la ilaaliyo ayay sheegeen in ay soo jeedinayaan oo aan laga shaqeynin barakac kale.

5- Waa in la xaqiijiyaa muhiimada ay leedahay in la helo gargaar bini aadantinimo oo aa la carqaladeyna, dadka u baahana la gaarsiiyo.

6- Labada dhinacba waxay ugu baaqeen in ay ka fogaadaan adeegsiga erayada xanafta leh ee dagaal kale abuuri kara, dhammaan loo baahan yahay in nabad lagu xaliyo xaajadan.

Ad