Home Wararka Maanta Bangiga Aduunka oo shaqadii ka joojiyay Shirkad ka qeyb qaadata Mashaariicda Hormarineed...

Bangiga Aduunka oo shaqadii ka joojiyay Shirkad ka qeyb qaadata Mashaariicda Hormarineed ee Soomaaliya

0
Bangiga Adduunka ayaa ku dhawaaqay in muddo 21 bilood ah ay shaqada ka joojiyeen shirkadda Africa Development Professional Group Ltd. (ADP) oo ah shirkad bixisa adeegyo la-talin oo ku saabsan maamulka, maalgashiga, xalinta ganacsiga, maaliyadda shirkadaha iyo horumarinta ganacsiga.
Shirkaddan oo laga leeyahay dalka Kenya, ayaa lagu helay in ay wax isdaba marin ku sameysay mid kamid ah mashaariicda horumarinta ee uu bankiga adduunka ku taageero xoojinta shaqaalaha iyo tayada hay’adaha dowladda Soomaaliya, si ay u qabtaan hawlaha asaasiga ah ee dawladda.
Sida laga soo xigtay xaqiiqooyinka kiiskan, shirkadda ADP ayaa lagu eedeeyay in ay wax isdaba ku marin ku sameysay qandaraasyada hoos yimaada mashruuca Somali Capacity injection oo bankiga adduunku maalgaliyo.
Xayiraadda lagusoo rogay shirkadda ADP, ayaa ka dhigaysa mid aan u qalmin in ay qeyb kasii ahaato mashaariicda iyo hawlgallada ay maalgeliyaan hay’adaha Bangiga Adduunka.
Xigasho Hiiraan Online
Ad
Previous articleMaxay ka wada hadlayaan Axmed Madoobe iyo Siciid Dani ?
Next articleSanater Cabdi Qeybdiid oo Maanta is Diiwaan Galiyay (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here