Home Wararka Maanta Baarlamaanka Soomaaliya oo Fasixiisa Koowaad Galay(Sawiro)

Baarlamaanka Soomaaliya oo Fasixiisa Koowaad Galay(Sawiro)

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan ku-xigeenadiisa ayaa shir guddoomiyey kalfadhiga 1-aad kulankiisa 16-aad,waxaana kooramka ama guntanka kulanka uu ku furmay 179-mudane.

Guddi ka kooban dhowr xildhibaan oo xaqiiq raadin u aaday gobolka Bokool si ay usoo qiimeeyaan xaaladaha kala duwan ee ka jira deegaanadda Gobolkaasi ayaa warbixin looga dhageystay kulanka,waxaana Xildhibaan Axmed Maxamed Mashruuc oo guddiga ka mid ah uu warbixinta uu goluhu horgeeyay kaga hadlay xaaladaha kala duwan ee deegaanada gobolka Bakool oo ay ugu weynyihiin Abaaraha ka jira qeybo ka mid ah dalka oo gobolkaasi si gaar ah u saameeyay iyo dhibaatooyinka kooxaha argagixisada ah ay ku haayaan shacabka gobolkaasi.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale mudanayaasha Golaha shacabka la wadaagay magacyada labada habdhowre ku-xigeen oo kala ah Xildhibaan Sahra Cabdullahi Cigaal iyo Xildhibaan Cabaas Cali Ibraahim,waxaana xildhibaanada oo cod u qaaday ogolaatay 175-xildhibaan labo Xildhibaan ayaa diiday halka laba xildhibaan oo kalena ay ka aamuseen.

Dhanka kale mudanayaasha Golaha oo kulankoodu uu dhowr saacadood qaatay waxa ay iska dhex doorteeen xubnaha shanta ah ee golaha shacabka uga mid noqoneysa guddiga kor joogteynta dib u eegista Dastuurka dalka,kuwaas oo kala ah.

1. Xildhibaan Xuseen Qasim Yusuf Iidow
2. Xildhibaan Maxamed Heyle Axmed
3. Xildhibaan Yuusuf Cali Xoosh
4. Xildhibaan Maxamed yusuf Xasan Waliid
5. Xildhibaan Cabdullahi Carab

Ugu dambeyn Guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sidoo kale si guud ah u soo xiray kalfadhiga 1-aad ee Golaha.

Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in intii uu socday kalfadhigii koowaad uu goluhu gutay Waajibaad qaran oo saarnaa,sidoo kale waxa uu Xildhibaanada u sheegay in maadaamaa ay fasax laba bilood ah galayaan looga baahanyahay in ay dib ugu laabtaan deegaan doorashadooda islamarkaana ay u kuurgalaan xaaladaha deegaanadaasi ka jira,si warbixinada ay kasoo diyaariyaan ay ugu soo gudbiyaan kulamada kalfadhiga labaad ee furmi doona laba bil ka dib.

Ad
Previous articleTaliyaal Ciidan oo Booqday Mid ka mid ah Xarumihii Lagu Jabiyay Alshabab ee Galmudug(Sawiro)
Next articleSeyga afhayeenka congress-ka Mareykanka oo Sabab Yaab leh Xabsi loo Dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here