Home Wararka Maanta Baarlamaanka Jaamacada Carabta oo ka hadlay Guushii Somaliya ee muranka badda

Baarlamaanka Jaamacada Carabta oo ka hadlay Guushii Somaliya ee muranka badda

0

Baarlamaanka dalalka ku midaysan jaamacadda Carabta ayaa kulan ku yeeshay magaalada Qaahira ee dalka Masar, waxaana looga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan go’aanka ICJ, doorashooyinka iyo amniga.

Ugu horreyn, xubnaha baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa soo dhoweeyay go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), oo u xukuntay Soomaaliya dacwadda badda ee kala dhaxeysay Kenya.

Bayaan ka soo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa lagu sheegay inay ku faraxsan yihiin guusha Soomaaliya ay ka gaartay muranka badda ee mudada dheer soo jiitamayay.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee shirka ka qeyb galay, ayaa sheegay in xildhibaanada dalalka Jaamacadda Carabta ay u hambalyeeyeen Soomaaliya.

Bayaanka jaamacadda Carabta ayaa kusoo beegmay kadib markii 12ka bishaan maxkamadda ICJ ay Soomaaliya u xukuntay dacwaddii badda ee kala dhaxaysay dowladda Kenya. Inkastoo Kenya ay diiday.

Ad
Previous articleDhismaha Schoolka Xeraale oo Gaba gabo La Marsiinayo (Sawiro)
Next articleKaluumaysatada Laamu oo sheegay in Ay ka sii kaluumaysan doonaan Badda Somaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here