Golaha Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta yeeshay kulankoodii Caadiga ahaa, uuna Shir guddoominayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nur Gacal.
Kulankii Maanta ayaa Ajandihiisu ahaa
- Doodda iyo Ansixinta Wax-ka beddelka Dastuurka Galmudug oo ka dhigan muddo kororsi sanad ah oo ay sameysanayaan madaxda iyo heyadaha Galmudug iyo
- Ansixinta Qaraarka Xukuumadda ee Degmeynta Degmooyinka Cusub ee Galmudug.
Kulankii Baarlamaanka ee Maanta ayaa lagu Ansixiyey laguna meel mariyey Wax-ka beddelka Dastuurka Galmudug iyo Degmeynta Degmooyinka Bandiiradley, Dhabad iyo Galinsoor, kadib markii ay buuxiyeen Shuruudihii Degmanimo, Soona mareen Habraacii Shuruudaha Degmanimo iyaga oo ka mid noqdaan Degmooyinka Dawlad Gobaleedka Galmudug.
Kulanka Baarlamaaanka oo ay soo xaadireen 49 mudane ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyey Degmooyinkaas iyo Dib u eegista Dastuurka Galmudug
Ad