Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Sheikh Cabdi Maxamed Abdirahmaan xubno katirsan labada gole ee Dowlada iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulka Jubbaland
Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, Xildhibaano katirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliyeed iyo dadweyne kala duwan.
Axmed Madoobe ayaa magaalada Muqdisho u yimid sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka taagan xildhinaanada Gedo lagu soo doortay iyo sidoo kale olalaha doorashada Madaxweynaha.
Ad