Home Wararka Maanta Axmed Madoobe oo Sheegay in Farmaajo uu Dalka ku rigay God

Axmed Madoobe oo Sheegay in Farmaajo uu Dalka ku rigay God

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee xilligaan dalka, shirarkii frashilmay ee uu uga qyeb galay Magaalada Muqdisho iyo mowqifka Jubbaland ee muddo kororsiga Golaha Shacabka ay sameeyeen.

Axmed Madoobe oo la hadlayay qaar kamid ah Bulshada Rayidka Jubbaland ayaa sheegay in marnaba aysan wax sharci ah u laheyn Golaha Shacabka inay laalaan heshiiskii 17-kii Serptember iyo inay muddo kororsi sameeyaan.

Waxaa uu ku eedeeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in dalka uu god ku ridayo, waxaana uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay tashadaan.

”Madaxweynaha Xiligiisu dhamaaday hadii aan maanta laiska qaban wadankaan dib ayuu noqonayaa meel kale ayuu tagayaa,maanta waxaad ogtihiin in reer Muqdisho ay cabsi kujiraan ayuu yiri” Axmed Madoobe

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Hay’adihii dowladda dhamaan la burburiyay , waxaana uu ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in uu ku fashilmay in dalka laga qabto doorasho xor iyo xalaal ah, isla markaana kaliya uu u muuqdo kuriga uu ku fadhiyo.

Hadalka  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli ay fashilmeen shirarkii looga hadlayay Arrimaha doorashooyinka, isla markaana muddo kororsigii ay sameeyeen Golaha Shacabka ay kasoo horjeesteen , Siyaasiyiinta mucaaradka, Bulshada Rayidka iyo Beesha Caalamka.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleKooxda Shabaab oo la wareegtay Deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ee Galmudug
Next articleWararkii ugu danbeeyay Xiisadii ka jirtay Muqdisho iyo Dowlada oo ka hadashey Weerarka Saadaq Joon