Kooxda Shabaab oo la wareegtay Deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ee Galmudug

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay xalay la wareegeen degaanka Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug.

La wareegitaanka Al-Shabaab ee degaanka Bacaadweyne ayaa waaa uu yimid kadib markii habeen ka hor ay degaankaas isaga baxeen Ciidamada dowladda Soomaaliya  oo gacanta ku haayay.

La wareegitaanka Ururka Al-Shabaab ee degaanka Bacaadweyne ayaa waxaa uu saameyn ku yeelan doonaa isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee Magaalooyinka, Cadaado, Hobyo iyo Gaalkacyo.

Al-Shabaab ayaa Baraha taageera ee Internet-ka waxaa ay kusoo qoreen inay si nabad ah kula wareegeen degaanka Bacaadweyne, isla markaana xilligan wixii ka dambeeya ay mamuli doonaan, waxaana weli ka hadlin laamaha Amniga Maamulka Galmudug.