Home Wararka Maanta Axmed Madoobe oo kulan laqaatay Gudoomiyaha Aqalka Sare

Axmed Madoobe oo kulan laqaatay Gudoomiyaha Aqalka Sare

0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa hoygiisa uu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah Cabdi Xaashi Cabdullahi .

Axmed Madoobe iyo Guddomiyaha Aqalka sare ayaa kulankooda waxa ay uga hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arimaha doorashooyinka iyo sidii loo saxi lahaa khaladaadka ka jira.

Labada masuul ayaa sidoo kale kulankooda uga hadlay shirka gollaha wadatashiga qaran ee lagu qabanayo magaalada Muqdisho iyo sidii shirkaasi u noqon lahaa mid mira dhalo oo kasoo baxaan qodobo dalka iyo dadka dan u ah.

Madaxweynaha Jubbaland oo Muqdisho u yimid ka qeyb galka shirka gollaha wadatashiga qaran ayaa kulamo la qaadanaya qaar kamid ah wakiilada beesha caalamka ee jooga Soomaaliya iyo masuuliyiin kala duwan

Ad
Previous articleMadaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Lafta Gareen oo Lagu Cadaadinaayo in Muqdisho gaaro
Next articleGudoomiyihii Gudiga Doorashooyinka ee Xilka Laga Qaaday oo Wali Shaqadiisa siiwata

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here