Home Wararka Maanta Axmed Madoobe Oo Isbedel Deg Deg Ah Sameeyay, Xili Uu U iclaamiyay...

Axmed Madoobe Oo Isbedel Deg Deg Ah Sameeyay, Xili Uu U iclaamiyay Dagaalka Shabaab.

0

Madaxweynaha maamulka Jubaland oo u muuqda inuu markan usoo jeestay gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa isbedel maamul oo deg deg ah sameeyay.

Xalay oo kaliya xafiiska Axmed Madoobe waxaa ka soo baxday saddex digreetao oo laba kamid ah lagu soo magacaabay taliyayaal ciidan, halka mida kalena gudoomiye gobol eheyd.

Wareegtada u horeysay ee Axmed Madoobe soo saaray waxaa lagu magacaabay Xasan Cabdi Guure oo noqonaya Gudoomiyaha Gobalka Jubbada Hoose, halka ku xigeenkiisa uu u magacaabay Muuse Maxamed Sheekh.

S/Guuto Ismaaciil Saxardiid Keydsane ayuu Axmed Madoobe u magacaabay Taliyaha ciidamada darawiishta maamulka Jubbaland.

Sidoo kale S/Guuto Cabdullahi Cabdi Yuusuf ayaa isna loo magacaabay taliyaha booliska Jubbaland, halka ku xigeenkiisa loo magacaabay G/Sare Xuseen Cali Xaashi

Ad
Previous articleQoys Dil Wadareed loogu Gaystay Xalay Duleedka Degmada Warshiikh
Next articleCiidamo ka Tirsan Mawisleey oo Cusub lana Dagalaamaaya Alshabaab oo lasoo Bandhigay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here